SAWIRO:- AMISOM Maxay katiri howlgalka uu Gen Canood kawaddo Marka

0

Weli waxaa howlgallo ay ka socdaan xaafado ka tirsan Magalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo shalay lagala wareegay Al-Shabaab.

Ciidamo uu wato Abaanduulihii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday Cabdullaahi Cali Caanood ayaa howlgalka ka wada Marka,waxaana Warar aan heleyno ay sheegayaan in ay kusoo biiraan Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Dad u badan dhalinyaro ayaa lagu soo waramayaa in howlgalkaas lagu qab qabtay kuwaas oo saraakiishu ay sheegeen in ay uga shakisan yihiin in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Qoraal ay saareen AMISOM ayaa waxa ay ku sheegeen in Janeral Caanood uu bogaadiyey howlgalka ay qeybta ka tahay ee ka socda Magalada Marka,isla markaana uu sii socon doono.