Dowladda Kenya oo Sheegtay in Ciidamadeeda Kala Baxeyso Soomaliya

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya laga billaabo Bisha July ee Sanadka soo aaddan.

Arrintan waxaa ay ka dhalatay kaddib markii dowladda Kenya ay Qaramada Midoobey weydisatay magdhowga Askarta uga dhintay Dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ee Koofurta Soomaaliya.

Warbixin Maaliyadeed ay baahisay Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa muujineysa in Qaramada Midoobey ay Kenya ku wargelisay in la dhimayo qiimaha Magdhowga Askarta Kenya ee Soomaaliya lagu dilay.

Lacagta ay Kenya ka dooneyso Qaramada Midoobey waxaa ay gaareysaa Sh8.5 Bilyan oo shilinka Kenya ah.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku sheegtay in Kenya ay siineyso Sh6.1Bilyan  shilinka Kenya ah sanadkan,labada sano ee soo socotana lacagtaas la dhimayo.