DEG DEG:- Howlgalkii ugu cuslaa oo saaka Magaaladda Marka kasocda

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo shalay waaberigii la wareegay Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay ku hoyday Magaladaas,iyada oo shalay magalada ay ka dhaceyn qaraxyo bambaanooyin ah.

Wararka saakay aan ka heleyno Marka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Millateriga ah ee uu hoggaaminayo Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka ay saakey wadaan howlgallo baaritaano ah,waxaana la soo sheegayaa in howlgalku uu yahay mid guryaha qaar lagu galayay.

Dad ku sugan Marka aya Allaglaguud waxa ay u sheegeen in saakay waaberigii ay arkeen Ciidamada Milleriga ee dhawaan soo galay oo howlgallo wada,isla markaana mararka qaar guri guri ay baaritaanada u sameynayaan.

Abaanduulihii dhawaan xilka laga qaaday ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa shalay sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid horey loo sii qorsheeyey inta aan laga qaadin xilka Abaanduulanimo.