TOPNEWS:-Mid kamid ah Ragga Dilalka Fuliya Muqdisho oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu kamid yahay ragga dilalka ka geysta Magaaladda Muqdisho.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan ayaa ka dhacay Xaafadd kamid ah Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay hay’adda Nabadd Sugidda ayaa la sheegay in ciidamadda amniga ay ka war haleen in xaafadd kamid ah Degmadda Yaaqshid uu ku sugan yahay mid kamid ah ragga dilalka ka fuliya Magaaladda Muqdisho, islmarkaana lagu baxay.

“Ciidamada Amniga ayaa Howlgal ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiid ee G/Banaadir waxey ku qabteen Dhagar-qabe qorsheynayey dil iyo maleegidda Qaraxyo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA.

Dhanka kale Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) ayaa soo dhaweeyay Magacabista Taliye ku-xigeenka Hay’adda NISA oo loo magacaabay maalintii khamiista aheyd Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya.