TOP NEWS:- Faarax Macalin,”Ciidamada Kenya Soomaaliya Waxay Ka Hayaan Shaqo Aan loo Idman”

0

Hoggaamiyihii hore Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin ayaa Ciidamada Kenya ee jooga Koofurta Soomaaliya ku eedeeyay in ay qabtaan howl ka duwan howshii loo diray ee nabad ilaalinta ah.

Faarax oo bartiisa Twitter-ka farriin ku qoray ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay gabood fallo ka geystaan Gobolka Gedo,kuwaas oo ay ka mid yihiin Kufsiga Haweenka,Dilka Dadka rayidka ah iyo leynta xoolaha.

Waxaa uu Saraakiisha amaanka ee Kenya ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo Ciidamada ka dambeeya dhibaatada dadka Rayidka ah,waxaana uu codsaday in ciqaab la marsiiyo saraakiisha lagu helo in ay ka dambeeyaan arrintaas.

Taliyaha Ciidanka Kenyan,Gen. Mwathethe, ayuu ku yiri “waa inaad si xawaaro leh u baartaa, tallaabana uga qaaddaa Ciidamada falkaas geystay”.

Ciidamada Kenya ayaa Bishii la soo dhaafay kaliya la sheegayaa in lix Haween ah ay ku kufsadeen Gobolka Gedo. Xildhibaannada ku jira labada aqal ee ka soo jeeda Gobolkaas ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay wax ka qabato Ciidamadeeda.

Xildhibaan Cabdi Shir Ciyaar jecel oo ka mid ah XIldhibaannadaas ayaa sheegay in kiiska Gabdhaha la kufsaday uu Ciidanka Kenya kula korayo Maxkamad Caalami ah oo ku taalla Magaalada London.