Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare in uu ku guul-dareystay hoggaaminta maamulkaas.
Xildhibaannadan oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa dhaliilay Madaxweyne Waare, waxayna sheegeen in Madaxweyne Waare aanu waxba ka qaban dhibaatooyin-ka taagan Hirshabelle.
Waxa ay tilmaameen xildhibaannadan iney jiraan beello qaar oo uu madaxweyne Waare Xaqiray waa sida ay hadalka u dhigeen.