DHAGEYSO:-Gudiga Difaaca Puntland oo Beeniyey inay Heshiis lala Galay Qaramada Midoobay

0

Gudiga Difaaca dawlada Puntland ayaa maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Heshiis la sheegay inay ku mashquulsanayeen Qaramada Midoobay kaasoo ku saabsan Arinta gobolka Sool.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta dawlada Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay inaysan Muddo Gudiga Difaacu warbaahinta hor imaan isla markaana warbaahinta la marsiiyey warar sheegaya in Puntland wadda hadal la gayso Qaramada Midoobay arinta Tukaraq wuxuna sheegay warkaasi inuu yahay mid aan waxba ka jirin.