DHAGEYSO:-Booliska Somalia Oo Baadhaya Shaqsiyaad Loo Heysto Musuq Maasuq

0

Taliyaha hoggaanka Canshuuraha bariga General C/laahi Xasan Bariise ayaa faah faahin ka bixiyay in ka badan 10 ruux oo loo heysto in ay ku kaceen falal la xariira Musuq-maasuq.

Shaqsiyaadkan la soo xiray ayaa ka howlgalayay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta Canshuuraha.

Genaral Bariise ayaa sheegay in haatan dadkaasi ay ku jiraan gacanta Ciidamada Booliska Soomaaliyed, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Waxaana uu dhinaca kale uga digay dhammaan shaqaalaha dowladda in ay ku kacaan waxyaabo la xariira Musu-maasuq iyo wax isdaba marin