DHAGEYSO:-Agaasimaha waaxda canshuuraha dekadda Muqdisho oo bixiyay waraysi xili xabsiga uu ku jiro

0

Galinkii danbe ee shalay dekadda Muqdisho  waxaa gudaha ugalay,  ciidammo ka tirsan Booliska Soomaaliya,  waxa  ayna si gooniya u beegsadeen waaxda canshuuraha ee Marsada Muqdisho.

Ciidanka ayaa waxa ay soo xireen lix masuul oo ka shaqeynayay dekadda waxaana dadka la xiray ku jiray maamule ku xigeenkii furdada dekadda Muqdisho, sidoo kale ciidanku waxa ay siteen waraaq lagu soo xirayo agaasimaha waaxda canshuuraha ee dekadda Muqdisho.