DEG DEG Milatariga Soomaaliya oo Shabaab kala wareegay Marka

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa goordhaw ay la wareegeen ciidammo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo ciidanka Marka qabsaday hogaaminaya ayaa la hadlay warbaahinta waxa uuna  sheegay in magaalada ay gacanta ku dhigeen gabi ahaanteeda, Al-Shabaab-na ay ufirxadeen daafaha magaalada.

Inta aysan ciidamadu galin gudaha magaalada waxa ay la kulmeen dagaal kooban oo Shabaab ay kaga horyimaadeen ciidamada xoogga ee Marka qabsaday.

WAR DEG DEG AH:- Taliyaha cusub NISA ee Jubbaland iyo ku xigeenkiisa oo gudaha u galay magaalada Kismaayo.