Akhriso:-Xildhibaan maanta iska casilay xubinnimadiisii Barlamaanka

0

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya gaar ahaan golaha Shacabka ayaa maanta iska casilay xubinimadiisii Barlamaanka.

Xildhibaan Cabdulqaadir Gaafoow Maxamuud oo golaha shacabka kasoo galay deegaanada Galmudug, ayaa shaqadii isaga tagay, waxaana sidaa laga soo xigtay gudiga doorashooyinka heer Qaran.

Xaliimo Ismaaciil (Yareey) oo ah gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ayaa sheegtay in xilligan ay banaanyihiin sedex kursi oo doorashoodana ay ka dhici doonto magaalooyinka Beydhaba iyo Dhuusamareeb.

Xildhibaanka iscasilay ayaa waxa ay walaalo yihiin agaasimihii hore ee ha’ayadaha NISA, Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, kursigan maanta banaanadayna xilligii  lasoo dooranayay waxaa ka dhashay buuq badan oo wali aan xal loo helin.

Ugu danbeyn sedexda kursi ayaa waxa baneeyay Xuseen Cusmaan oo loo magacaabay taliyaha NISA, Marxuum Khaliif Cabdullaahi iyo xildhibaanka maanta iscasilay Cadbulqaadir Gaafoow Maxamuud.