Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Sababta Loo Xiray Mas’uuliyiinta Canshuuraha Dekedda

0

Ku-simaha Taliyaha Hay’adda Dambi baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In xubnahaan lagu eedeeyay musuq-maasuq,islamarkaana in lasoo xiro uu amray xafiiska Xeer ilaalinta qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Generaal Bishaar ayaa sheegay In xubnaha haatan gacanta lagu hayo ay gaaraan 6-ruux,islamarkaana la baadi-goobayo 4-kale gacantana lagu soo dhigi doono dhawaan.

Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa shalay howlgal ka sameeyay xafiiysadda Kastamka Canshuuraha Dekedda Magaaladda Muqdisho.

Howlgalka lagu galay Kastamka, waxaa lagu soo qabtay Sagaal qof oo ay ku jirtay kuxigeenka Madaxa Kastamka Canshuuraha oo ah Haweeney, dadkaas la xiray waxaa la geeyay Xarunta dnabi baarista ee C.I.D.

Sidoo kale waxaa xalay Xarunta damabi baarista ee C.I.D tagay Axmed C/llaahi Samoow oo ah Madaxa Kastamka Canshuuraha ee Dekeda Muqdisho.

Mudane Samoow ayaa shalay ka maqnaa xarunta Kastamka markii laga soo xirayay Masuuliyiinta ka hooseysa iyo shaqaalaha Kastamka.