Acmaasha Xajka oo maanta bilaabaneysa

0

Maanta oo ay ku beegantahay maalinta sideedaad ee bisha Dil-Xaj ee sanadka 1439hirjiya, waxaa si rasmi ah ubilaabanaya acmaasha Xajka oo ah cibaado sanadle ah sida diintu qabtana lagu gutaa magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukkaraham.

Maanta waqtiga duhurka ee goor sheegtada Sucuudiga ayaa si rasmi waxaa ubilaabanaya acmaasha xajka haddii Eebe idmo, waxaana sanadkan usoo xaadiray gudashada Xajka ilaa 3million oo qof oo ka kala yimi in kabdan 160 dal.

Duhurnimada maanta ayaa shaqo cibaadeedka ugu horeysa waxaa loo tagayaa deegaanka Mina oo banaanka Kacbada ku yaalla, waxaa kusii xigi doonta maalinimada barri ah oo la istaagi doono banaanka carafa, waa maalinta ugu muhiimsan ee acmaasha xajka la guto, sida uu sheegay Suubanaheenna Muxamed ah N.N.K.H.

Ciidamada amaanka Sucuudiga ayaa si weyn amaanka u sugaya, tusaale deegaanka Jamaraadka ama dhagaxtuurka laga sameeyo, waxaa la geeyay ilaa 40,000 oo askari, sidoo kalana waxaa la sameeyay wadooyin aan tiro yaren oo cusub oo looga gaashaamanayo in isbuurad uu dhaco.

Cabsi aan horay ujirin ayaa sanadkan Xajka ka taagan, waana in weerar dhanka cirka ah ay ku qaadaan kooxda Shaciida ah ee dalka Yaman ka dagaalama ee xuutiyiinta loo yaqaan, balse ciidamada cirka Sucuudiga ayaa sheegaya in ay gashaanka adkeeyeen oo diyaar ay uyihiin weerar kasta oo ka soo waajaha Xuutiyiinta.

Sidoo kale waxyaabaha sanadkan laga calaameeyay arrimaha xajka ayaa waxaa kamid ah in xilligii labaad aysan acmaasha xajka ka qeyb galeen,muwaadiniinta udhashay dalka Qadar, waxaana arintaa gundhig u ah khilaafka udhaxeeya dowladaha Sucuudigu uu hogaaminayo iyo Qadar.