Xoghayihii Hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan oo Geeriyooday

0

Waxaa geeriyooday Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Koofi Annan oo 80-sano jir ahaa.
Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaanka madow ah ee qabta jagada ugu sarraysa diblomaasiyadda dunida, wuxuuna xilkaas hayey 1997 – 2006.

Wuxuu ku guulaystay Koofi Anan abaalgudka nabadda Nobel ee dhanka bani’aadminimada.
Xilliyadii dambe wuxuu noqday ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.