TOP NEWS:- Farmaajo oo gaaray Turkiga & Madaxda uu la kulmayo

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Magalada Istanbuul ee dalka Turkiga,halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saacadha soo socdo uga sii gudbi doona Magalada Ankara halkaasi oo kaga qeyb gali doono Shirka Xisbiga Ak Party ee dalka Turkiga oo lagu martiqaaday Madaxwayne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxwayne Farmaajo waxa uu kulama la yeelan donaa Madaxwayne Erdugan iyagoona kawada hadli doona xiriirka labada Dal.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa saakay ka amabaxay Dalka Jabuuti oo booqasho Hal Cisho ah ku joogay,isaga oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle si xal looga gaaro tabasho ay qabtay dowladda Jabuuti.