Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo la dhaariyey

0

Gudoomiyaha maxkamada Racfaanka ayaa maanata Dhaariyay Garsoorayaasha Maxkamada Sarre Ee Dalka Oo Dhawaan uu Soomagacaabay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo Waxaana Dhaarintooda Goobjoog Ka,ahaa  Wasiirka Cadaaaladda ,taliyaha Ciidanka Asluubta iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha dalka.

Midkamida Garsoorayaasha Maanata Ladhaariyay Oo Lagu Magacaabo Saalax Shiiq ibraalim ayaa Kacodsaday Bahda Garsoor in ay si Dhaw ulashaqeeyaan isagoona Balanqaaday in uu sicadaalada Shaqadiisa uu u gudan Doono.

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ahna Kusimaha Xeer ilaaliyaha Jamaal Maxamed Axmed Ayaa Kubooriyay Garsoorayaashaan La Dhaariyay In ay Dhawraan nidaamka iyo Cadaalada shacabkana ay Si hufan ugu adeegaan.

Wasiirka Cadaalada Soomaaliya  Xassan Xuseen Xaaji ayaa Dhankiisa Sheegay in Xukuumadu ay Wado Qoshe lagu dhisayo Golaha Adeega Garsoorka Dalka.

“Waa Muhiim in la dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo qeyb weyn ka ah Hay”adaha Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka”ayuu yiri Wasiirka.

Baashe Yuusuf Axmed Gudoomiyaha Maxkamada Sarre Ee Dalka ayaa sheegay in si Hay,adaha Garsoorka ay u kasbadaan Shacabka Loobaahan yahay in Garsoorka ay shacabka ugu adeegaan si hufan oo daacadnimo ku dheehantahay.

“Si Bulshadeenu ay ugu kalsoonaadaan Hay”adaha Garsoorka waxaa loo baahnyahay in lala yimaado daacadnimo iyo Fur furnaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale Si loola socdo shaqada hay,adaha Dowladda ayuu ku saabsanaa kormeerka kediska ah ee uu ku tagay Ra,iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar Wasaaaradda  Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya, waxaanaa uu qaar ka mid ah xafiisyada wasaaradda ku xog wareystay shaqaalaha iyo wasriirka sida ay shaqada u socoto, islamarkaan waxa  uu sheegay in xukumadda ay diyar u tahay sida ay ula xisaabtami laheyd dhamaan hay,adaha Dowladda.