DHAGEYSO:-Soomaaliland Oo Si Kulul Uga Hadashay Taliye Ka Goostay Oo U Galay Ciidamada Puntland

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed Yuusuf Oo Magaalada Hargeysa Kulan Kula Qaatay Guddiga Nabad-gelyada Golaha Wakiilada Ee Soomaaliland Ayaa Waxa Ay Ka Wada Hadlen Arrimo La Xariira Amniga Deeganada Soomaaliland.

Waxyaabaha Kale Ee Kulanka Looga hadlay Waxaa Ka Mid Ahaa Sidii laga Yeeli Lahaa Taliye ka Tirsanaa Ciidanka Maamulka Soomaaliland Isla-markaana Ahaa Amaanduulaha Guutada 3-aad Ee Ciidamada Maamulka Soomaaliland Qaybtooda Ku Sugan Gobolka Sanaag Kaas Oo Sida Ay Sheegeen Ku Biiray Ciidamada Maamulka Puntland.

Wasiir Ciise Sidoo Kale Waxa Uu Hoosta Ka xariiqay In Taliyahaan Oo La Goostay Ciidamo Ay isku Beel Yihiin Sababta Keentay In Taliyahaan Uu Goosto Ayuu Ku Sheegay In Ay tahay Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Saraakiisha Ciidanka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliland Ayaa Waxa Uu Xusay In Aysan Garaneyn Sababta Ku Kalifeysa In Uu Ku Biiro Ciidamada Maamulka Puntland Aysana Jirin Cid Caqabad Ku Heysay Taa Badellkeeda Uu Isagu Maamulayey Ciidamada.

Ugu dambeyn Waxa Uu Sheegay In Ay Wadaan dadaallo Ay Ku Doonayaan In Ay Kusoo Af-jaraan Arrinkaa Isla-markaana Aysan Quseyn Wasiirka Gaashaandhiga Oo Kaliya Balse Arrintani Ay Tahay Mid U Taala Dhammaan Shacabka Reer Soomaaliland.