DHAGEYSO:-Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Hawiye Oo Cabasho Ka Gudbiyay Ciidamada Kenya

0

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye ayaa sheegay in waxgaradka beesha Hawiye iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xunyihiin weerar dhawaan Ciidamada Kenya ay ku weerareen shirkada Hormuud.

Nabadoon C/nuur ayaa xusay in warqad cabasho ah oo ka dhan ah Ciidamada Kenya ay dhawaan  u gudbiyeen Dowladda federaalka ah ee Somaliya.

Afhayeenka ayaa falka ay ku kaceen Ciidamada Kenya  oo cagta mariyey dhismaha xarun Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku lahayd deegaan ku dhaw xadka Kenya ku tilmaamay xadgudub lagu sameeyay hantida Soomaaliyeed.