DHAGEYSO:-Mooshin loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Puntland

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ka aqbalay mooshin ka dhan ah Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo dhisaysa Dekedda Boosaaso.

Baarlamaanka Puntland ayaa gudbiyey Mooshin ka dhan ah shirkada P & O oo qeyb ka ah DP WORLD, horeyna loogu wareejiyey dekeda magaalada Boosaaso.

Mudanayaasha oo mooshinkooda u gudbiyey guddoonka golaha ayaa ku sababeeyey in ay shirkadan ilaa hadda waxba ka qaban xaaladda Dekeda Boosaaso, una muuqato in ay u haysato sidda ay sheegeen Dano siyaasadeed.

Tiradda Xildhibaanada Mooshinka gudbisay ayaa ah 21 xildhibaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo la hadlay wariyayaasha ayaa sheegay in talaabada ay mooshinka ku keenen ay ka dambeysay markii ay mudo labo sanno ah ka war sugayeen DP WORLD iyo shirkadeeda yar ee P & O in ay meelmariyaan waxyaabihii lagu heshiiyey.