DHAGEYSO:-In kudhow Toban Kun oo Soomaali ah oo Ku Sugan Xaramka

0

Malaayiin Muslimiin ah kana kala yimid dunida daafaheeda ayaa kusugan maagalada barakeysan ee Makah si ay ugutaan mid kamid tiirarka Islaamka.

Tirada sanadkaan ku sugan Xaramka ayaa kabadan kuwii sanadihii hore maadaama sadaxdii sanadood ee lasoo dhaafay ay dowlada Sucuudiga kawaday xaramka  howlo balaarin ah waxayna taasi keentay in 25% loogu kordhiyo tirada xujeyda dowladihii dalbaday inkastoo aysan Soomaaliya qeyb ka aheyn dowladaha dalbaday in tiro loogu daro.

Hayeeshee waxaa xusid mudan in korodhay tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan xajisay marka loo eego sanadkii hore oo ay xajiyeen 7500 oo xaaji ah.