DHAGEYSO:- Wafdi ka safray Gaalkcyo oo dhuusomareeb gaaray

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka waxaa safar Cirka ah uga baxay wafdi ka socda dawlada Soomaaliya iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka ee kusugan Soomaaliya.

Iyadoo mudooyinkii danbe ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Qaybta Danab ay Saldhig ku lahayeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saldhigaasi waxaa loo Raray Degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ee magaalada Madaxda Galmudug.

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug ayaa kulan kula qaatay Garoonka Dhuusa Mareeb saaraakiil ka socda Xafiiska Maraykanka ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo Magaciisa Africom.

Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug ayaa warbaahinta uga hadlay Kulankaasi iyo waxyaalihii looga hadlay.