TOPNEWS:-Heshiiska dekada Berbera oo dhamaaday Iyo Soomaaliland & Maamulka DP World oo murunsan

0

Maamulka Somaliland ayaa ku fakaraya sida laga yeeli lahaa shirkadda DP World oo la sheegay inuu ka idlaaday wakhtigii loo siiyay ballaarinta Dekadda Berbera ee Somaliland.

Shirkada DP World oo uu ka dhacay wakhtiga ay qabsatay ayaa iminka waxa uu muran kala dhexeeya Somaliland kadib markii ay shirkadu dalbatay in loo kordhiyo xiliga.

Agaasimaha guud ee shirkada Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa Somaliland ka codsaday in mudada halka sano oo ay ku ballan qaadday in ay ku ballaarineyso Dekadda kana dhamaaday loogu sameeyo wakhti kordhin.

Waxa uu agaasimuhu ka dalbaday maamulka in loogu daro muddo 2 sanno oo dheeri ah, taasi oo abuurtay khilaaf cusub oo ka dhex curta Somaliland iyo shirkada DP World.

Agaasimaha oo qoraal la wadaagay Somaliland ayaa sheegay in muddo kooban ay ku fulin doonaan ballanta dayacantay, hase yeeshee ay iminka u baahan yihiin laba sano oo dheeri ah.

Maamulka Somaliland ayaa diidan dalabka wakhti kordhinta waxa uuna maamulka ku andacoonayaa inaanu jirin wakhti dheeri ah oo ay ku bixin doonaan arrinta Dekadda.

Go’aanka maamulka Muuse Biixi kadib Agaasimaha shirkada Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa warqad faragalin ah la wadaagay Hoggaamiyihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo si maamulka hadda jira uu kala hadlo wakhti kordhin dheeri ah oo lasiiyo shirkada.

Warqada ayaa la sheegayaa in ay ku qorneyd in Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi ka dhaadhiciyo in DP World wakhti loo kordhiyo looguna daro 2 sano.

Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa inay kawada hadlan arrinta shirkada waxaana aad u adkaan doonta inay isku fahmaan wakhti kordhinta.

Sidoo kale, Siciid Xasan Cabdullahi, oo ah Maareeya Dekadda Magaalad Berbera ayaa sheegey in shaqada Dekadda Berbera ay 40%sare uga kacday sidii ay ahayd ka hor inta aysan la wareegin DP World.

Ma cadda sida ay Somaliland ku aqbali doonto arrinta wakhti kordhinta shirkada, waxa ayna tani kusoo aadeysaa xili dowlada Somalia iyo Somaliland ay isku khilaafsan yihiin Heshiiska Imaaraadka lagu siiyay Dekadda.