Wararka naga soo gaaraya deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa ay gaareen ciidammo aan tiro yareyn oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in ay deegaanka Basra gaareen, ayna bilaabi doonaan howgallo ka dhan ah Shabaab oo deegaanadaa awood badan ku leh.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda warbaahinta u sheegay in ay arkeen ciidammo farabadan oo dharka milatariga ku labisan, xilliganna dadku walaac ayay ka muujiyeen dhaq-dhaqaaqyada cusub ee bilaawday.