Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jabuuti, soo dhaweynta Farmaajo waxaa ka qeyb qaatay masuuliyiin iyo shacab weyne fara badan.
Booqashada Madaxweynaha ayaa waxa ay salka ku heysaa sii xoojinta xiriirka soo jireenka ee Labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti wuxuu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay iska xog wareysan doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha ayaa ku soo aaday, iyadoo dhawaan dowladda Jabuuti walaac ka muujisay baaqii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara, intii uu ku guda jiray booqashadii Eritrea oo ahaa in laga qaado cunaqabateynta saaran.