Akhriso:-Madaxweyne Waare oo magaacabay taliyaha NISA ee Hirshabeelle

0

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyihii  hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Axmed Cabdi Wehliye(Waaweyn), waxaana isla wareegtadan lagu magacaabay Maxamed Cabdulqaadir Maxamed.

Taliye Waaweyn ayaa loo magacaabay taliyaha hogaanka sirdoonka Nabad sugidda Hirshabeelle.

Maxamed Cabdulqaadir Maxamed(Waxar) oo loo magaacabay taliyaha Nabad sugidda iyo sirdoonka Hirshabeelle ayaa horay waxa uu usoo noqday Agaasimihii dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir.