Maxamed Cusmaan Jawaari oo Kulamo Siyaasadeed Kawada Nairobi

0

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa kulamo siyasasadeed kawada Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo, Jawaari ayaa kulamo kula qaatay Nairobi Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin kasoo horjeeda Dowladda haatan jirta, iyo xubno ka Tirsan Beesha Caalamka.

Xubnahaan ayuu kula hadlay Jawaari xaaladda dalka uu marayo, iyo doorashadda Koonfur Galbeed iyo mida guud ahaan dalka ee 2020-ka.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Jawaari uu doonayo inuu sameysto Isbaheysi isaga gaar u ah, kaasoo uu doonayo inuu ugu tartamo doorashadda la filayo inay ka qabsoonto dalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu isku soo sharaxi doono xilka madaxweynaha Koonfur galbeed oo sanadkaan ka xiiso badan kuwii hore.

Dhanka kale Wararka laga helayo Nairobi Kenya ayaa sheegaya in Jawaari uu wakiilada Beesha Caalamka u gudbiyay warqad uu ku sheegayo in howlaha baarlamaanka ay yihiin kuwa fariistay tan iyo markii uu isaga xafiiska ka tegay.