FAALLO:- Qancinta Shaqsiga & Xeerka Jajabka oo ka xoog badan awoodaha Dastuurka .

0

Ma jiro Qodob Dastuuri ah oo Jubbaland u ogolaanaya inay soo celiso dhamaan saraakiisha amaanka ee dowladda dhexe ay magacowdo, una dirto deegaanada Jubbaland, laakiin dastuurka wuxuu u ogolaanaya maamulada dalka in lagala tashado arrimaha kaalmadda caalamiga iyo ganacsiga, siyaadda iyo arrimaha dhaqaalaha dalka.

Dowladda Dhexe ayaa awood u leh inay arrimaha amaanka qaranka, Jinsiyadaha iyo socdaalka, Arrimaha dibadda iyo siyaasadda lacagta ay go’aanadeeda maamusho, iyadoo aan lagala tashan xubnaha qeybta ka ah federaalka.

Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa u muuqdo kuwo khilaafkooda xoogaysan karo, Kismaayo waxaa ka shaqeeya amarka madaxweyne Axmed Madoobe, dowladana maka dhaqan gelin karto amar laga soo saaro madaxtooyadda Soomaaliya.

Ku dhaqmidda qancinta shaqsiga iyo xeer jajabka ayaa mararka qaar, ka xoog bata in Dastuurka dalka lagu dhaqmo, kaasi oo kala haga awoodaha dowladda iyo maamul goboleedyada.

Shirar badan oo dowladda Dhexe iyo xubnaha qeybta ka ah dowladda Federaalka ay yeesheen ayaa lagu gaaray heshiisyo hoose oo lagu qeexayo waxyaabaha labada dhinac ay ka tashanayaan, waana tan Jubbaland ay sheegtay inay cuskatay markii goob ku taala garoonka magaalada Kismaayo lagu xiray taliyaha NISA iyo ku xigeenkiisa oo dowladda ay u magacowday Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay taliska Hay’adda NISA ee Jubbaland ayaa lagu sheegay inay iyaga masuul ka yihiin amaanka Jubbaland ayna dib usoo celinayaan Taliyihii Nabad sugida iyo ku xigeenkiisa ee loo magacaabay deegaanadda Jubbaland.

Gen Bogmadow, ayaa horey Jubbaland ay kaga celisay magaalada Kismaayo, Bogmadow waxaa uu watay ciidamo ilaali u ahaa, taasi oo qasabtay inaan la xirin laakiin garoonka ayaa laga soo celiyay.

Wuxuuna xilka loo magacaabay uu kula wareegay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, taasi oo u muuqatay inay sii adkeyn kartay xiriirka dowladda iyo hogaanka maamulka Jubbaland.

Xiisadaasi ayaa la isku dayay in si hoose loo xaliyo, laakiin iyadoo aan taasi si wanaagsan loo dhameyn ayaa haddana waxaa Kismaayo laga soo celiyay saraakiil NISA ka tirsan.

Ma waxaa Soomaaliya lagu maamulaa Qancinta shaqsiyaadka awooda siyaasadeed ku leh deegaanada ay maamulaan, mase waxaa lagu dhaqmaa dastuurka oo KMG ah una baahan in wax badan laga badalo.

W/Q Maxamed Ciise Maxamuud