DHAGEYSO:-Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Baaq u Diray Abwaanada Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo abwaannada Soomaaliyeed kula hadlay xarunta Akadeemiyada afka Soomaaliga ayaa sheegay in abwaannadu ay muhiim u yihiin wacyi-gelinta bulshada, nabadda, xasiloonida, dib u dhiska dalka iyo soo celinta karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday abwaannadda Soomaaliyeed in ay  runta u sheegaan kuwa doonaya in ay qarankeenna dumiyaan si aanan aduunyada uga harin maadaama la joogo xilligii suugaanta loo adeegsan lahaa dib u soo kabashada dalka, isaga oo tilmaamay in hadii aan abwaannada la siin dawrkooda uusan dalku horumar gaari karin, sidaas oo kalana hadii abwaannadu aysan u istaagin jihaynta dalka, la dagaalanka musuqa, qabyaaladda, in ay adkaanayso in dalku uu gaaro horumar la taaban karo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay dad Soomaaliyeed oo si dhab ah uga qayb qaata dib u dhiska dalka, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya mustaqbalka ay aduunyada kale waxbrasho iyo
caafimaad u soo doonan doonto, hadii abwaannadu ay u istaagaan.