DHAGEYSO:-Maxaa ka jira in xiligii gudoomiye Jawaari laaluush la siiyay qaar ka mid xildhibaanada?

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan  Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba dhici doonin waligeedna dhicin in si sharcidarro ah lacago ay u bixiso Wasaaradiisa ,isla markaana dad loo siiyey si musuq maasuq ah.

Wasiir Beyle,ayaa hadalkaan sheegay xilli uu ka jawaabayey su’aal laga weeydiiyey waxa ka jira in xildhibaanada golaha Shacabka loo qeybiyey lacago  lagu tilmaamey mid aan Sharci aheyn taas oo soo baxday hadalheynteeda bishii Ramadaan.

Xilli uu ka qeyb galayey Barnaamij ka baxayay Tv-ga Qaranka ayuu sheegay Wasiirka Maaliyadda in aysan jirin wax lacago ah oo wasaadaradiisa ay bixisay taas oo lasiiyey xildhibaanada.