DHAGEYSO:-Axmed Madoobe”Farmaajo in la wada shaqeeyo diyaar uma ahan”

0

Horjoogaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay Taliyeyaashii dowladda Soomaaliya ay u Magacowday Ciidamada Jubbaland ee NISA ee lagu xayiray garoonka Kismaayo.

Horjoogaha ayaa sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in dowladda Soomaaliya ay qeyb ka noqoto Amnidaradda dalka ka jirta.

Waxaa uu sheegay in Taliyeyaasha aan lagala tashan Jubbaland, taasina ay ka horimaanayso heshiiskii ay horay u wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Jubbaland.