DHAGEYSO:- Cali Xaaji Warsame ” Go’aankii Barlamaanka Waan wadda sugaynay”

0

Siyaasiga Musharaxa ah Cali Xaaji Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay Arrimaha doorashooyinka Puntland iyo Go’aankii shalay Barlamaanka dowladda Puntland ku Go’aamiyeen wakhtiga ay dhacayso doorashada Kursiga Madaxweynaha 2019.

Cali Xaaji ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Go’aanki Barlamaanka ee doorashada Puntland ee Kursiga Madaxweynaha ,isagoo sheegay in talaabo wanaagsan qaaden Barlamaanka Puntland.

wuxuu sheegay in Barlamaanka ay qadeen Talaabo Muhiim ah ,maadama shaki laga qabay in Madaxweyne Gaas uu sameeyo xil kororsi ,isago tilmaamay in muhiim tahay in shacabka Puntland la qanciyo.