Wararkii ugu dambeeyay ee rabshaddaha ka socda Itoobiya

0

Ciidamada Booliska Itoobiya ayaa xaqiijiyay in dilay labo ruux oo ka tirsan qowmiyadda Tigreega xilli ay ku sugnaayeen gobolka Oromada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka labadda ruux ay daba socoto Xiisadda maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Xadka Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.

Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay inay yihiin beeralay tobbonnaan sanno ku noolaa degaankaasi, waxaana la sheegay inay dileen dhalinyaro dibadbaxyo dhigayay.

Dilka labadda ruux ayaa loo adeegsaday Dhagaxaan sidda ay sheegeen Ciidamada Booliska.

Qaar kamid ah dadkii weerar gaystay ayaa xabsiga loo taxaabay halka dadka kalena lagu dabo jiro.

Muddo tobbonaan sanno ah, Itoobiya waxaa arriminayay xisbiga Tigreega ee TPLF.

Dhanka kale Wefti ka socda dowladda Itoobiya ayaa gaaray dalka Jabuuti, waxayna wasiirka arimaha dibedda ee dalka Jabuuti ay kala hadleen xaaladaha qurba joogta Itoobiyaanka ah ee halkaa ku nool iyo sidii loo sugi lahaa ammaankooda.