WAR DEG DEG AH:- Taliyaha NISA Jubbaland Cali Mire Ducaale iyo ku xigeenkiisa oo beri subax laga soo Musaafurinayo Magaalda Kismaayo.

0

Wararka hadda naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ee ku dhaw dhaw horjoogaha Maamulka Jubbaland, ayaa waxa ay sheegayaan in maalinnimada beri ah magaalada Kismaayo laga soo musaafurinayo Taliyaha NISA ee Jubbaland Cali Mire Ducaale iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in uu Horjoogaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu amray in magaalada Kismaayo loo musaafurinayo magaalada Muqidhso Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka cusub ee NISA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya usoo magacoowday Jubbaland Cali Mire Ducaale iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim.

Dhinaca kale ma ay jiraan wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Horjoogeyaasha maamulka Jubbaland.

Taliyaha NISA Jubbaland Cali Mire Ducaale iyo ku xigeenkiisa oo beri subax laga soo Musaafurinayo Magaalda Kismaayo.
WAR DEG DEG AH:- Taliyaha NISA Jubbaland Cali Mire Ducaale iyo ku xigeenkiisa oo beri subax laga soo Musaafurinayo Magaalda Kismaayo.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media