TOPNEWS:-Isbadallo deg deg ah oo laga dareemay Jigjiga

0

Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan markii ay dib u habeyn lagu sameeyay xisbiga talada haya, waxaa magaalada Jig Jiga laga dareemayaa isbadalo aanan horay loo arag.

Waxaa magaalada ka qabsoomaya shirar kala duwan oo noocooda oo kale horey mamnuuc u ahaa, waxaana laga jeedinayaa hadalo aad uga duwan kuwii hore.

Isbadalada dhacay waxaa ka mid ah shir weyn oo aqoonyahanada deegaanka ay isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Jig Jiga, kaas oo ay kasoo qeybgaleen xubno sare sare oo ka mid ah maamulka.

Shirkan oo wixii lagaga hadlay, iyo qodobadii kasoo baxay si toos ah looga baahiyay taleefishinka ESTV ayaa waxaa qodobadii lagu heshiiyay shirka ka hor akhriyay wariye Buurgaabo oo ka mid ahaa wariyeyaashii caanka ahaa, balse muddo u xirnaa maamulka, wuxuuna yiri “Waxaan soo jeedinaynaa in sharciga la hor keeno dadkii ka dambeeyay burburinta xarumaha diinta, maadaamaa dhibaatooyinka dhacay ay sabab u tahay maamul xumadii kasoo jirtay deegaanka, waxaan soo jeedinaynaa in ciidanka ay noqdaan dad aqoon leh, oo bulshadana kalsoonideeda haysta”.

Shirka ayaa xitaa looga hadlay arrimo xilli aad xasaasi u ahaa in laga hadlo sida arrimaha Liyuu Booliiska, wuxuuna Buurgaabo shirka ka yiri “Waxaan aaminsanahay in ciidanka Liyuu Booliiska ay yihiin ciidan dowladeed, oo aysan ahayn ciidan uu shaqsi leeyahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa in ay xasilooni kusoo dabaalaan”.

Dadkii shirka ka hadlay ee aqoonyahanada ahaa ayaa mid mid ah uga hadlay wax ay sheegeen in ay muddo la aamusnaayeen, iyaga oo qaarkood ka sheekeeyay dhibaatooyin si shaqsiyan ah loogu geystay, waxaana ka mid ah nin yiri “Waxaa la’iga soo qabtay magaalada Addis Ababa, waxaa isoo qabtay dowladda Federaalka, hadda waan socon kari la’ahay, loowyaha ayaa nalaga garaacayay”.

Waxaa xitaa goobta ka hadlay madaxweyne ku xigeenka deegaanka Mudane Xamdi Aadan Cabdi , madaxweyne ku xigeenka , ahna wasiirka arrimaha deegaanka , wuxuuna yiri “Dhibaato waa ay jirtay deegaanka, maamul xumo way jirtay, waxyaabo badan oo dhibaato ah in ay jirtay oo aan la iska indho tiri karin in ay jirtay halkan waan ka caddaynayaa, dhibaatada dhacday in dhalinyarta Heego ay ku lug lahaydna waa mid aan shaaca ka qaadayno, laakiin in maamulkii xiligaas jiray ay iska cabursanaayeen, dhammaantood waa laga wada warqabaa, aniga ka hoggaamin ahaa dadkii ugu horeeyay ee isbadalka soo dhaweeyay baan ka mid ahaa, waanan sii hirgalin doonaa”.

Hadaladan waa kuwa aad uga duwan kuwii horey looga bartay madaxda deegaanka iyo dadka ku sugan gudaha deegaanka.