TOP NEWS:- Masuuliyin ka tirsan kenya oo Musuq maasuq lagu helay

0

Labo mas’uul oo sarsare ayaa maxkamad lasoo taagay dalka Kenya iyaga oo lagu eedeynayo in ay si musuq ah u maamuleen mashruuc ku fadhiyay $3.2 bilyan doolar oo Shiinaha ay qad tareen ugu dhiseen dalka Kenya.

Labada mas’uul ayaa kala ah Atanas Maina, agaasimaha wakaaladda tareenka Kenya iyo Maxamed Wazuri oo ah guddoomiyaha guddiga dhulka ee dalka Kenya, waxaana loo haystaa in ay saxiixeen lacag dhan $2 milyan oo la siiyay dad si aan sax ahayn u sheegtay in ay leeyihiin dhul la marsiin lahaa qadka tareenka.

15 kale sargaal oo isla fadeexadan ah ayaa iyaguna dacwad lagu soo oogay , kuwaas oo dhammaantood beeniyay eedeymaha loosoo jeediyay.

Qadkan tareenka ayaa isku xira inta u dhaxaysa Mombasa iyo Nairobi, waxaana la doonayaa in lagu xir illaa dalalka dariska ah.

Balse hadda waxaa soo baxaysa in muddo sanad ah oo uu shaqaynayo uu galay qasaare dhan $100 milyan oo doolar.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda xayawaanka ayaa sidoo kale qadkan tareenka dhalliilay maadaamaa la mariyay seerooyin xayawaanka gaar u ah.

Dad badan oo reer Kenya ah ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay dowladda ka qaaday musuqa sida uu ku waramayo wariyaha BBC-da Ferdinand Omondi.

Waxaa dadka lasoo xiray ka mid ah dad agaasimeyaal ka ah shirkado dhawr ah oo la sheegay in ay sameeyeen gacansiyo sharci darro ah.

Todobaadkan dowladda Kenya ayaa qaadday talaabadii ugu weyneyd ee xagga la dagaalanka musuqa kadib markii ay burburisay dhismayaal caan ah oo dad taajiriin ay leeyihiin, sababtuna ay ahayd in laga dul dhisay dhul ka ag dhow webiga Nairobi, loona arkay in ay halis ku yihiin badbaadada dadka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maalintii axadda goob ka hadlayay ayaa yiri “Waxaa iisoo dhacay taleefoono badan, waxaa la i weeydiinayay sideedn isaga fadhin kartaa oo aad indhaha uga daawan kartaa waxa dhacaya, waa in aad joojisaa, balse waxaan iri, waa arrin adag in la joojiyo, mana ahan in aan jecelnahay in aan wax burburino, balse waa in aan la dagaalanaa dadka lama taabtaanka ah” . Waxa uu intaas ku daray in uu lumiyay saaxiibo badan.