FAAH FAAHIN+SAWIRRO:- Xariga Taliyaha Cusub ee NISA ee Jubbaland Cali Mire Ducaale.

0

Waxaa Gelinkii dambe ee maanta Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka dagtay diyaarad siday taliyaha cusub ee NISA ee dowladda Soomaaliya u Magacawday Jubbaland iyo ku xigeenkiisa.

Labada Sarkaal ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku xiray Ciidamada nabad sugidda Jubbaland, waxaana lagu kala Magacaabaa Cali Mire Ducaale oo ah taliyaha iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim, waxa ayna Caawa ku hoyanayaan Xabsi ku yaalla Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Nabadsugida Jubbaland ayaa waxa ay si hoose ugu sheegeen Warbaahinta Allgalgaduud Media in labadaan Sarkaal ay iminka Gacanta ku hayaan, isla markaana ay u xireen sababo amni dartood.

Dhinaca kale Saraakiisha Jubbaland ayaa waxa ay ku eedeeyeen in Dowladda Soomaaliya ay tahay mid ka soo horjeeda Maamulka Jubbaland iyo horumarka ka jira Waa sida ay hadalka iyagu dhigeen’e.

Isku soo wada duuboo 13kii Bishii Luulyo ee sanadkan ayay aheyd markii ay sidaan oo kale Maamulka Jubbaland isla garoonka Kismaayo ay diyaarad uu saarnaa ku celiyeen Gen.Cali Bogmadow oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowdey Taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka xooga dalka, walloow markii dambe uu ka dagay Magalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media