DHAGEYSO:-Gudigii loo xilsaaray Baaritaanka Qaraxii Degmada Buuhoodle Oo Warbaahinta lahadlay

0

Ciidamada Amaanka magaalada Buuhoodle, ee xarunta gobolka Cayn ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 10 qof, oo mas’uuliyiin ay ku jiraan kuwaasoo looga shakiyey inay ku lug leeyihiin qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Buuhoodle.

Taliyaha Qaybta ee gobolka Cayn iyo Saraakiil kale oo ka socda Sirdoonka Puntland oo maanta warbaahinta gobolkaasi isugu yeeray ayaa sheegay inay Xogtii Qaraxii ka dhacay Buuhoodle uu meel gabo gabo ah marayo.

Taliyaha Qaybta Gobolkaasi Cayn Mudane C/raxaman C/laahi ayaa madax ka tagtay Garowe ayaa sheegay inay Xogtii Qaraxii ay hayaan 80% dhawaana ay soo bandhigayaan.