DHAGEYSO:-Faah faahin ka soo baxeysa Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Waxa Warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan Dagaalka Xalay ka dhacay inta u dhaxeeysa Degaanka Buufoow iyo Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Dagaallamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya,waxaana la sheegay in Dagaalka uu socday Mudo Sacaad ku dhaw,isla markaana laisku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan,kaas oo aan la ogeyn Khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee halkaas kuwada Dagaallamay.

Maxamed Axmed Sheekh oo ka mid ah Dadka Degaanka ayaa sheegay in fariisin Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin Inta u dhaxeysa Degaanka Buufoow iyo Magaalada Marka ay Weerar ku soo qadeen Kooxda Al-shabaab waxa uuna tilmaamay in Ciidanka Dowladda ay iska difaaceen Weerarka lagu soo qaaday.