SAWIRRO:- Dekadda Muqdisho Oo Laga Mamnuucay Gaadiidka Qaar

0

Dekadda Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay Guddi ay ku mideysan yihiin Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Soomaaliyeed iyo Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka, Taliyaha Saldhiga Booliska Dekadda iyo Saraakiil kale.

Kulankaasi, ayaa waxaa si aad ah looga hadlay siddii loo joojin lahaa Gaadiidka sida xad dhaafka loo raro ee ka baxa Dekadda Muqdisho oo dhibaato aad u weyn ay ka dhalato, kuwaasi oo mararka qaar ku Rogmada Wadooyinka Muqdisho, islamarkaana ay ka dhashaan khasaare isugu jira naf iyo maal.

Maxamed Xirsi Xaashi oo ah Afhayeenka Guddiga Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Soomaaliyeed, ayaa Dowladda kaga mahadceliyey suurto gelinta ay suuro gelisay in ka badan 28 sano kadib in xilli habeen ah ay shaqeyso Dekedda magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Horumarka dalka.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in la joojiyey in Dekadda Muqdisho uu ka baxo Gaadiid Rarkiisa uu xad dhaaf yahay, in Gaari waqtigiisa dhammaaday Dekadda uu ka qaado Badeeco iyo jididka gaadiidka ay u maraan siddii loogu talo galay.

“Laga Bilaabo maanta waxaa la joojiyey in Dekadda uu ka baxo Gaadiid rarkiisa uu xad dhaaf yahay, Gaari Waqtigiisa uu dhammaaday iyo in wadooyinka siddii loogu talo galay loo maro, Ganacsatada waxay naga codsadeen in Gaariga markuu ka baxo Dekadda ilaa iyo uu ka tagayo goobtii loogu talo in amnigiisa la sugo, waana ka aqbalnay”. Ayuu yiri Gen. Bariise.

Ra’iisul Wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u furay in Dekadda Magaaladda Muqdisho markii ugu horreysay burburkii kadib ay si toos ah u shaqeyneyso habeen iyo maalin 24 Saac.