R/Wasaare Khayre Oo Lakulmay Wafdi Kasocda Eritrea

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Erateria iyo Taliyaha Madaxweynaha dalkaasi oo saakay soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisii Asmara wuxuu bilow u ahaa adkeynta xiriirka Labada Dowladood, waxaana wafdigan hordhac u yihiin wufuud kale oo Eritrea ah oo soo gaaraya magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha ayaa booqan doona xarumo dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho sidda Wasaaradda Arrimaha dibadda.