Gudoomiye ku xegenka amniga iyo siyasada ee gobolka jubada dhexe Maxamed Ibrahim Xasan waxaa uu eedeyn kulul u jeediyay maamulka Jubbaland.
Waxaa uuna ku eedeeyay in aysan diyaaran u aheyn in Al-Shabaab xiligan laga saaro gobalka Jubada dhexe oo qeybo badan ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhowr jeer uu Dowladda faderaalka iyo maamulka Jubbaland uu kala hadlay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ka tirsan gobalka Jubada dhexe.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatooyin badan xiligan Al-Shabaab ay ku hayaan Shacabka ku nool Gobalka Jubada Dhexe.