AKHRISO:- Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland Oo Maanta Kismaayo Ku Soo Xiraya Shir Muhiim Ah

0

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo shirka Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad Goboleedyada.

Shirkaas oo maalmashalay ka furmay Kismaayo ayaa waxaa looga hadlayey sidii dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada ay u wadaagi lahaayeen dhaqaalaha ka yimada Caalamka iyo sidii loo qeybsan lahaa Kheyraadka Gudaha dalka ka soo baxa.

Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada oo shirkaasi ka qeyb galaya ayaa waxa ay sheeegen in muhiim ay tahay in siwadajir ah loo wadaago dhaqaalaha Caalamka,sidoo kalena dowladda Federaalka Soomaaliya ay cadeyso qeybta ay leeyihiin dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shirka ka qeyb galaya ayaa Maanta la filayaa in shirkaasi uu soo gaba gabeeyo,waxana laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii lagu heshiiyey.