TOPNEWS:-Wasiirka Amniga oo sheegay in Muqdisho lagu toogtay xubin ka mid ah Shabaab

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in Ciidanka Amniga ay dileen nin ka mid ahaa Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay inta aan la dilin ninkaasi oo hubeysnaa uu dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed, islamarkaana isla goobta uu dilka ka geystay ay ku toogteen ciidanka Ammaanka.

Dilka ayaa ka dhacay Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid sidda uu sheegay Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay Adkeeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana ay wadeen howlgallo.