SAWIRRO:-Guddoomiye Eng. Yarisow oo xubno ka tirsan Olalaha Isxilqaan ku booqday qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo qaar ka mid ah xarumaha degmooyinka kula kulmay hormuudka xoogagga waddaniyiinta ah ee laga hirgeliyey Gobolka Banaadir ayaa sheegay in bulshada Gobolku ay dhexda u xirteen difaaca iyo dib-u-dhiska.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay xoojinta dhaqdhaqaaqa ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska.

“Is-xilqaamayaashu gacan waxa ay ka qeyb qaadanayaan howlaha bilicda, faya-dhowrka iyo dib-u-dhiska waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah, gacanta kalena waxa ay ku difaacayaan dalkooda, iyagoo ka hortagaya qorshe kasta oo argagixisada Alshabaab ay u maleegayaan shacabka.”

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa tilmaamay in la joogteyn doono kormeerrada iyo la socodka arrimaha xoogagga Wadaniyiinta ah ee Is-xilqaan, maadama ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dib u dhiska iyo difaaca dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, degmooyinka uu kormeerka kadiska ah ku tagay ayaa kala ahaa Xamarweyne, Xamarjajab, Waaberi, Hodon, Howlwadaag iyo Wartanabadda, kuwaas oo dhammaantood ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah mutadawiciinta qeybta ka ah olalaha Is-xilqaan.