DHAGEYSO:-Madaxweyne Waare Oo La Ogaaday Hadal Qarsoodi Uu Ka Sheegay Jowhar

0

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Dawlad Gobolleedka HirShabelle ayaa labaduba waxa lagu Dhaleeceeyey inay ku fashilmeen wax ka qabashada colaada kusoo laab laabatay Deegaanada Gobolka Hiiraan.

Qurba Joogta Kasoo jeeda Gobolkaasi waxay marar badan ku baaqeen in xal waaro la kala dhex dhigo beelaha walaalaha ah ee dhirta iyo daaqa isku haya ama Ceelasha biyaha laga wada cabo ee deegaanka la isku qabto.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Arimaha Bulshada Ee Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa waxa uu sheegay inay hadda wadaan qorshe waxgarad iyo odayaal la doonayo in Dib uheshiisiin Guud loo sameyn lahaa Beelaha Deggan Gobolka.