AKHRISO:- Dagaalka Oromada & Somaalida oo saamayn ku yeeshay Suuqyadda Puntland

0

Suuqyada waaweyn ee ku yaalla deegaanada maamulka Puntland ayaa saameyn ku yeeshay Xiisadda u dhaxaysa qowmiyadda Oromada iyo Soomaalida Itoobiya,

Waxaa la sheegay in qiimaha Khudaarta uu sare u kac ku yimid gaar ahaan qiimihii la iibin jiray baradhada, basasha,iyadoo gaartay Khudaartaas qiimo sare, waxaana sidoo kale halkii kiilo ee yaanyo ay gaartay sideetan kun oo Shilin Soomaali ah, halka horay loogu iibsan jiray kiiladii Yaanyada soddon kun oo shilin Soomaali ah.

Khudaarta lagu iibiyo qaar kamid ah Suuqyada ku yaalla deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxa ay ka timaadaa dalka Itoobiya.

Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqleyda Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in saameyn ay ku yeelatay arrinkaan kadib markii uu hoos u dhac uu ku yimid Khudaartii ka imaan jirtay dalka Itoobiya,hlkaasi oo ka dhacay dagaal dhexmaray Oromada iyo Soomaalida dowlad deegaanka Itoobiya

Deegaanada Puntland ayaa Khudaarta ugu badan waxaa ay uga timadaa dalka Itoobiya iyo sidoo kale Koonfurta Soomaaliya,waxaana jira wadooyin qaar ay Khudaarta si fudud loogu soo gaarsiin karo Suuqyada Magaalooyinka waa weyn ee Puntland.