TOPNEWS:-Wasiir hore oo uga digay dowladda Federaalka inay faragelin ku sameyso doorashada Puntland

0

Wasiirkii hore Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa uga digay dowladda Federaalka inay faragelin ku sameyso doorashada dhowaan ka dhaceyso Maamulka Puntland.

Juxa oo xalay magaalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland galeyso doorasho u gaar ah oo masiirkooda iyo rabitaankooda ku dhisan.

“Puntland waxay galeysaa doorasho u gaar ah oo masiirkeeda iyo rabitaankeeda ku dhisan, waxaan uga digeynaa dowladda Federaalka iyo cid kasta in aysan arrintan faraha la soo gelin”ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha muhiimadda uu siinayo haddii uu ku guuleysto doorashada, waxaana uu dhaliil xooggan u jeediyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Cabdi Faarax Juxa ayaa ka mid ahaa Golaha Wasiirada uu sanadkii hore magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre, hase ahaatee waxaa xilka laga qaaday horaantii bishii Janaayo ee sanadkan, kaddib sagaal bilood oo uu hayay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.