TOPNEWS:-Spain oo Italy kala wareegay hawlgalka Atlaanta ee Soomaaliya

0

Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad ay xilka ku kula wareegayeen Markab Ciidan oo laga leeyahay dalka Spain oo hoggaaminaya Afarta bil ee soo socota hawlgalka Atlaanta ee Soomaaliya, wuxuuna xilka kala wareegay Markab laga leeyahay dalka Talyaaniga oo horey hawlgalka u waday.

Taliyaha Markabka Talyaaniga ee hawlgalka waday ayaa sheegay intii ay hawlgalka wadeen inaanay la kulmin wax caqabad ah oo kaga yimaada dhinaca burcada, islamarkaana si nabad ah ay ku gooshayeen Maraakiibta QM iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.

Wuxuu sheegay xilligii ugu dambeysay ee burcad badeeda ay isku dayaan inay fal ka geystaan Badda ay aheyd bishii November ee sanadkii tagay 2017 oo ay isku dayeen meel 300 Mile ujirta magaalada Muqdisho ay markab ka afduubtaan, waxaana ka hor tagay ciidamada Badda oo qabtay Lix ka mid ah raggaasi oo loo gudbiyay wadanka Siishelis.

Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Yurub ee hawlgalka Atlaanta oo ka hadlay munaasabadda ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Labada kooxood ee hawsha isku wareejiyay, iyada oo Midowga Yurub ay sheegeen in hawlgalka lagu kordhiyay Labada sano ee socota.

“Go’aan muhiim ah ayuu ahaa oo Midowga Yurub ay gaareen, inay kordhiyaan hawlgalka Atlaanta, sababta waxa ay tahay waxaa naga go’an la dagalanka burcad badeeda, waxay tuseysaa wada shaqeynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, waa muhiim in ganacsiga uu isku kala goosho”. Ayuu Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Yurub ee hawlgalka Atlaanta.

Wadamo badan oo aan ka mid aheyn Midowga Yurub ayaa caawiya hawlgalkan, waxaana ka mid ah dalalkaasi Norway, Serbia, Ukraine, Canada iyo Colombia.