TOPNEWS:-AMISOM “Shabaab Islaamka ma xurmeeyaan”

0

Taliska sare ee howlgalka midawga afrika ee AMISOM magaciisa loosoo gaabsho, ayaa cambaareeyay dil loo geystay dhawaan, askari ka tirsanaa ciidamada amaanka Soomaaliya.

Askariga ayaa waxaa lagu dhex dilay masjid ku yaalla halka loo yaqaan Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar jajab.

Wakiilka gaarka ah ee uqaabilsan midawga afrika arimaha Soomaaliya Mudane Francisco Madeira ayaa wuxuushnimo ku tilmaamay falkaa, waxa uuna sheegay in Shabaab aysan diin udagaalameyn, ee diinta Islaamka ay iyagu weerar ku yihiin, oo aysanna xurmeyneyn..

Al-Shabaab ayaa tiro aan yareyn magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ahba waxa ay dad ku dhex dileen masaajid, qaarkoodna weyba qarxiyeen.