TOP NEWS:- Ciidanka Xooga DFS oo jawaab kabixiyeey Qoraalkii Wargeyska Foreign Policy

0

Ka dib Wargeyska Foreign Policy maqaal uu daabacay ayuu waxa uu hoos u dhigay Awooda ciidamada qalabka sida ee soomaaliya gaar ahaan xoogga dalka.

Wargeyska Foreign Policy ayaa waxa uu soo xigtay Colonel Katirsan AMISOM gaar ahaan guutada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya isagoona si bareer ah meel ugu dhacay ciidamada xoogga dalka

Taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliya oo ka jawaabayo hadalka uu sheegay Colonel Katirsan AMISOM ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in sharafta ciidamada xoogga meel looga dhaco

Taliyaha hogaanka siyaasad iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare Cabdi xamiid sheikh cali Xaydar oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay qalad ay tahay in Colonel Katirsan AMISOM gaar ahaan kasoo jeeda Ciidamada Uganda uu sharaf ka dhac ku sameeyo ciidamada qalabka sida ee soomaaliya

Ciidanka Amisom ayuu sheegay in ay soomaaliya ku joogaan nidaam isla markaana uu iskaashi kala dhaxeeyo ciidamada xoogga dalka waxa uuna tilmaamay in Amisom ay soomaaliya u joogaan in ay la dagalamaan oo gurmad siiyaan dadka soomaaliya balse aan looga baahneen in ay xumaan ka sheegaan ciidamada xoogga dalka

G/sare C/Xamiid sheikh xeydar waxa uu sidoo kale sheegay in sarkaalka u dhashay Uganda uu isaga Aqoon dheeri ah uu u leeyahay doofarka uu sheegay,

Isagoo hadalkiisa sii wadta ayuu sheegay kornel C/xamiid in Uganda markii ay bur bursaneed ay soomaaliya ciidamo ka socda ay tageen dalka Uganda isla markaasine halkaasi ay ku caawin jireen shacabka reer Uganda.

Dhismaha ciidamada qalabka sida ayuu sheegay in ay hortaagan yihiin dalalka ay ciidamadooda ka joogaan soomaaliya waxa uuna hoosta ka xariiqay qarashaadka lagu bixin lahaa dhismaha ciidamada ay qaataan ciidamada Amisom.

Dowlada Uganda ayuu ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay raali galin ugu bixiso gafka uu ciidamada soomaaliya uu u geestay kornel kasoo jeeda Uganda isagoona intaasi raaciyay in sharciga ay la tiigsan doonaan.